|
By
RISHAN G. HABTE
“My music is born out of the necessity of justice,
the requirement of it”, said K’nan an international Somali
recording artist. K’naan and his family migrated to Toronto
Canada in 1991 following the collapse of the Somali Government.
While living in Canada, K’naan began writing poetry about the life
he left behind. “I was inspired by my own experiences, melody,
traditional poetry, war, living as a foreigner and longing for my home”,
he said.
In 1999 K’nan was invited to speak before the United
Nations High Commissioner for Refugees where he performed a spoken word
piece criticizing the UN for their failed aid mission to Somalia.
One of the members in the audience was Senegalese singer Youssou N’Dour,
who was so moved by K’naan’s performance that he invited him
to contribute to his 2001 album Building Bridges. Working on this
project allowed K’naan to tour the world to spread his message.
“I felt that it was my duty to tell my people’s story”,
he said.
In 2005 he released his debut album, titled The Dusty Foot
Philosopher, which received critical acclaim. In 2006 K’naan
received the coveted Juno Award for Rap Recording
of the year. His style has been compared to that of Bob Marley and Eminem.
Since his debut, K’naan has worked with Mos Def, Nelly Furtado,
Damien Marley and Adam Levine of Maroon 5.
“Most of the world only knows about Black Hawk Down and piracy when
it comes to Somalia, my duty is to show the whole picture” he said.
“I want to take our story to the public and show the positive”,
he added. In 2 years, K’naan has played nearly 500 shows in
5 continents. “The response has been amazing”, he added.
K’naan is set to release his follow-up album titled
Troubadour in January 2009. His future plans also include film project
and working on production.
“I will continue to be honest and I won’t stop until everyone
has heard our story” he said.
|
Somalilink:
Asalaamu Calaykum Knaan.
K’naan: Wacalaykum wasalaam.
Somalilink: Goorma ayaad fanka
bilowday?
K’naan: waxaan bilaabay
1998.
Somalilink:
Meeqo sano ayaad jirtay markaas?
K’naan: waxaan jiray
20 sano.
Somalilink: Somaliya goorma
kuugu dambaysay?
K’naan: Dhamaadkii 1991
Somalilink: Maxaa kuugu kalifay
in aad heestid ama raper aad noqotid?
K’naan: Waa waxaan yaraantaydii
jeclaa.
Somalilink: Yaa kuugu caawiyay
in aad albumkaagii koowaad soo saartid yaana qoray heesaha?
K’naan: Anigaa qoray,
waxaana soo saaray oo maalgaliyay Sony Records.
Somalilink: Heesahaaga maxay
uga duwanyihiin kuwa ay qaadaan fanaaniinta kale?
K’naan: Heesahaygu waa heeso fartiin xambaarsan,
baraarujina leh oo aan badankood ugu tala galay in aan uga hadlo dhibaatada
haysata waddankayga, laakiin fanaaniinta kale heesahooda waa heeso caadi
ah.
Somalilink: Heesaha Rapka
waa la iscaayaa ama waxaa lagu heesaa wax xun marka malagayaabaa in aad
badashid heesagaa fartiinta xambaarsan mise?
K’naan:Ahh! Maya, maya,
anigu ma isbadalin mana ka tagin dhaqankayga qaaliga ah, mana lagayaabo
in aan ku heeso waxaas oo kale.
Somalilink: Wax manooga sheegi
kartaa albumkaa cusub oo soo bixi doono heesaha ku jiro?
K’naan: Waa 14 heesood,
waxaa kuj irta hees la yiraahdo Somaliya oo aan ugu talo galay in aan
kaga hadlo dhibaatada iyo xaalada aan ku jirno maanta iyo hees la yiraahdo
America oo ka hadlaysa Somalida u soo qaxday Maraykanka.
Somalilink: 2 bilood ka hor
ayaad BET awards show ka heesaysay, sida aad af-ingiriis ugu heesaysay
ayaad af-somali u badashay isla markiiba ayada oo aan jirin qof ku fahmayo
markaas, maxaad ku keentay?
K’naan: ahhh! Ahh! run
ahaantii waxaan jeclahay in aan suubiyo waxaan horay loo suubin, waxaana
iigu kalifay dadkii showga joogay iyo aniga kala dhaqan iyo luuqad ayaan
ahayn, marka waxaan jeclaaday in aan soo bandhigo luuqadayda hooyo.
Somalilink: Wali fanaan Somali
ah mala shaqaysay amase mala heestay?
K’naan: Maya, wali lama
heesin, laakiin fanaanka magaciisa la yiraahdo Kooshin ayaa iga caawiyay
albumkaygii koowaad ee la magac baxay “the dust foot”.
Somalilink: waxaa jiro fanaaniin
badan oo soo baxaya, kuna soo biirayo heesaha Rapka maxaad ku dhihi lahayd
ama kuwaanin lahayd?
K’naan:Waa inay la soo
galaan fanka waxay uga duwan yihiin dadka kale, sida dhaqankooda wanaagsan
iyo in ay caqli isticmaalaan.
Somalilink: Waa kuma fanaanka
Somaliga ee aad xiiseeysid heesahiisa?
K’naan: Een waxaan xiiseeeyaa
Zulfa inkasta uu fanka iska daayay.
Somalilink: Sidde baad u aragtaa
xaallada xun uu waddanka iyo ummada Somaliyeed ay ku jiraan maanta?
K’naan: Waa xaalad xun,
oo aan ka naxo markaan maqlo dhibaatada nahaysa.
Somalilink: Sidee baad is
dhihi kartaa waa looga bixi karaa masiibadaan?
K’naan: Waan in aan
ulaabano diinteenii iyo dhaqankeenii.
Somalilink: Waxaad show ku
leedahay Cincinnati iyo Cleveland Malaga yaabaa in aad Columbus show ku
qabatid?
K’naan: Waa laga yaabaa
laakiin hadda kuma qabanayo, laakiin waxaan leeyahay Jaaliyada Somaliyeed
ee ku nool magaalada Columbus Ciid Wanaadsan.
|




|