![]() |
| Arts & Entertainment |
|
|
Jacaylkii iyo Nacaybkii Caasho iyo Cabdi Waxaan dhowr bilood ka hor la kulmay nin iyo xaaskiis
muddo badan isqilaafsanaa. Ninka waxaan ugu yeeraynaa Cabdi, Xaaskana
Caasho. Cabdi wuxuu u sheegay saaxiibtiis in ugu yaraan dhowr gaari oo Taraagyo u badan dalkan uga shaqeeyaan, isagoowuxuu ka duulaya maahmaahdii ahayd, “Dumar been baa lagu soo xero geliyaa, Runna waa lagu dhaqaa”. Cabdi barasho yar ka gadaal, Caasho si aad ah ayuu u jeclaaday waxayna talo uga dhammaatey in aysan Caasho dhaafin. Wixii uu saaxiib lahaa ayuu isu keenay, waxaana isaga iyo asxaabtiis u howlgaleen sidii ay xilo ugu noqon lahay. Dayn iyo deeq wuxuu heli karay ayaa isu keenay, waxaana Caasho loo sameeyey Aroos aanay weligeed arkin. Guur iyo aqal gal ka dib ayuu Caasho adeerkeed oo Jiilaal
xumi ku habsaday ka soo wacay Soomaaliya, xannuun ba’anna u sheegtay.
Caasho wax ma hayso waxayna talo ka gayn –wayday in ay Saygeedii
(ninkeedii Cabdi) sida dhaqanku uu yahay ka codsato in uu lacag adeerkeed
u diro. Cabdi, in adeerkeed oo dalkii ku jiran lacag u diro ka joogtee
ma hayo masruufkeedii. Shaqana isma hayaan dhowr bilood. Wuxuuna go’aansaday
in uu arrintaan ka meermeero. Wuxuu hadba yiraahdo berri iyo saadanbe
ayaan dirayaa lacagtii, ugu danbayn Caasho waxay u qaadatey in uusan kala
jeclay ciddooda iyo waxay jeceshahay intaba. Caasho uur-bay habeenkaas halkaas ku qaaday. Laba bil ka dib ayaa iyadoo uur yar leh, sina uga daahsan ballan ay la lahayd takhtarkeeda, dibadda u soo baxday si ay dhakhtarka u aado. Markii ay timid halkuu gaarigeeda yiilay ayay gaarigii halkii ka wayday. Caasho goonyaha ayay eegtay, mase arag gaarigii uu kay-jeclayd u keenay. Si halhaleel ah ayay Booliiska u wacday, una sheegtay in gaarigeedi la xaday. Markii Booliiska baaray arrintii ayay u sheegeen in aan gaarigii la xadin ee Cabdi bixin waayay lacagtii Gaariga, shirkadii lahaydna dib u jiidatay. Caasho markii ay maqashay warbixintii Booliiska, ayey dib u carootay oo ay ka tagtay Cabdi, ayadoo indhaheeda ay ilmadu ka da’aysana reerkoodi ku noqotay. Caasho oo uur yar lahayd ayaa loo qaatay inay wallacsan tahay, reerkeediina dib u celiyeen oo ay fareen in aanay uga xumaan gaarigii hore oo ay hadda la wadaagto gaarigiisa. Cabdi jacaylkii uu u qabay Caasho oo markaas uur u lahayd, ayuu u keenay set dahab ah oo uu yiri,”Caashooy dahabkan waa xaal marintaada.” Caashana waxay tiri, “Cabdiyoow dahabkan ma sidii gaarigii oo kale baa?” Cabdi wuu iska aamusay. Farxad iyo wanaag ayaa bilaabatay in lagu wada joogo. Bil iyo bar ka dib ayaa Cabdi iyo Caasho oo gurigooda joogo albaabka la soo garaacay. Caasha waxay fiirisay Cabdi waydiisayna in uu cid filayey iyo in kale. Cabdi oo ciyaaraha kubadda cagta aad ugu waallaa ayaa yiri “Maya, macaan. Ma jirto cid aan balansanayn galabta” Caasha way istaagtay, waxayna u dhaqaaqday in ay albaabka furto. Waxay albaabka ka furtay qof dumar ah oo raadinaysa Cabdi. Caasho oo xiran setkii dahabka oo uu Cabdi u keenay ayaa markay albaabka furtay, la yaabtay naagtan raadineysa Cabdi, iyadoo yara masayr ku jiro ayaa Caasho naagtii ku tiri, “naa ninkeyga maxaad ka raadsaneysaa?” Naagtii ayaa ku jawaabtay,”Dayn-baan ku leeyahay oo dahabkan aad ku xaragooneyso iyo lacag labo boqol ah buu iga soo deensaday, lacagna wali ima uusan siinin, muddadii uu ii qabtayna waa la dhaafay bil iyo bar.” Caasho markaan waxay ku dhawaatay muraaro dillaac. Waxayna iska furtay dahabtii, gacantana u galisay gabadhii sheeganaysay lahaanshihiisa.Caashana sidii ayaa looga qaatay dahabkeedii. Caasho iyo Cabdi dagaal joogto ah ayaa u bilowday. Wanaag badanna derisku kama sheegayn xiriirkooda (deriskaa kula degan). Waxay is jiijiidaanba, sidaas ayey saddex carruur ku dhaleen. Caasho waxay samayso garan wayday, waxayna go’aansatey in ay shaqo bilowdo Cabdina ku tiri “carruuta hay adigu” Maalmaha aysan Caasho shaqaynina waxay biloowday in ay aaddo aroosyo ama asxaaabteeda. Cabdina ku ciqaabtay in uu guriga iyo caruurta ka shqeeyo. Markuu Cabdi howsha guriga ka soo bixi waayana, Caasho Booliiska ayay ugu yeeri jirtay. Cabdi markii uu Boliiska xiray afar jeer iyo in ka badan ayuu go’aan ku garay in uu iska dhiciyo Caasho, dagaalna isu diyaariyay. Maalintii danbe ayaa Cabdi oo si isugu buuqsan ay Caasho
oo meel u socotaa ku tiri,”Caruurta iyo guriga sii hay Cabdiyoow.”
Cabdi wuxuu yiri, “ma hayn karo.” Markaas ayay Caasho ku jawaabtay
“hadda guriga ayaad ka baxeeysaa ama boliiska ayaan kuugu wici ee
mid dooro Cabdi.” Cabdi markii uu maqlay Booliiska ayuu si aad ah
u xannaaqay, go’aanna ku gaaray in uu guriga isaga tago inta wax
iska badalayaan. Wuxuu dharkiisii ka qaatay gurigii ay wada deganaayeen,
una guuray guri nin saaxiibkiis lahaa. Cabdi wuxuu bilaabay shaqo, wuxuuna
Jimce kasta Caasho u gayn jiray labo boqol oo doolar. Saddex bilood ka
gadaal ayaa Caasho ii sheegtay in ay ogaatay in Cabdi jeclaa, una sameeyey
wax kasta oo xummaan iyo wanaag leh darteed. Caasho waxay soo raadisay
Cabdi iyadoo ka codsatay in uu cafiyo. Cabdi halkaas ayuu ku cafiyey Caasho
waxaana maanta ka dhexeeya jacayl u dhisan xushmo iyo wanaag. |
| Home Contact Us Work For Us Advertise With Us Archives © Copyright 2008 The Somali Link Newspaper Webmaster: |