Madaxweyne
C/llaahi Yuusuf
|
Maxamed Cumar Xabeeb, wuxuu ka mid ahaa Hoggaamiya Kooxeedyadii dagaaladda
Soomaaliya.
Waxaa magaciisu aad saxaafadda u soo galay markii uu qabsaday Magaalada
Jowhar iskuna magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe.
Inkasta oo lagu eedeeyay in uu canshuur tiro badan ku soo rogay dadweynaha
Jowhar, isla markaana xad gudubyo xagga xoriyadda shaqsiga ah, haddana
magaalada Jowhar waxaa uu ka dhaliyay kala dambeyn iyo ammaan.
Nabadgelyadaas ayaa ka mid ah, sababta keentay in Madaxweynaha Soomaaliya,
Cabdullaahi Yusuf Axmed, uu xarun ka dhigto Jowhar, ka dib markii uu ku
kalsoonaan waayay ammaanka Muqdisho.
Sababaha kale, waxaa ka mid noqon kara gacansaarkii ka dhexeeyay Madaxweynaha
iyo Maxamed Cumar Xabeeb iyo Raiisal Wasaarihii berigaas Cali Maxamed
Geeddi oo ahaa mudane uu kursiga baarlamaanka u banneeyay Maxamed Cumar
Xabeeb.
Si kastaba ha ahaatee, Maxamed Dheere waxaa uu qalabka saxaafadda si shakhsi
ah oo qaawan ugu maagay Madaxweyne, Cabdullaahi Yusuf, ka dib markii uu
Madaxweynuhu goostay in uu Jowhar ka guuro oo uu dego Baydhaba.
Waxay malliishiyadiisu ka qeyb gashay dagaallo ka dhacay gobolka Shabeellada
Hoose iyo magaalada Muqdisho intaba.
Dagaalkii ugu weynaa ee ay malliishiyadiisu ka qeyb gasho waxaa uu ahaa
dagaalkii uu Muqdisho kula galay Maxkamadaha Shareecada sannadkii 2006
horraantiisii isaga oo markaa ka tirsanaa kooxi loo yaqaanay Isbahaysiga
ka dhanka ah argagixisada.
Maxamed Cumar Xabeeb, waxaa uu ka mid ahaa Hoggaamiye kooxeedyadii dagaalkaas
looga adkaaday ee dalka ku soo laabtay iyaga oo ay gelbinayaan ciidammada
Ethiopia.
Inyar ka dib waxaa loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa
Muqdisho, wuxuuna sameystay ciidan u gaar ah oo isaga uun ka amar qaata.
Maxamed Cumar Xabeeb, oo ka mid ah Hoggaamiyayaasha kooxeed ee Soomaaliya,
ee xiriirka wanaagsani kala dhexeeyo Ethiopia, ma cadda in mustaqbalkiisa
siyaasadeed uu halkan ku dhammaan doono.
|