Ragga daawadiis waa inuu kala danbeeyaaye
Oo darajo wayn loo qiraa kan ugu doorroone
Gabayguna duqbuu leeyihiyo oday la duubtaaye
Dalan baabi looguma dhiciyo dood yar baan iriye
Doqoniino waa hadalka oo kaa dabayshadaye
Da`dii Raage iyo Qowdhanbaa diiraddow sidaye
Darka haatan joogaa sidii dumar u sheekeeye.
Daruur curatay daad soo rogmaday diilalyada roobka
Dooxooyin buuxiyo xareed lagu dikeynaayo
Diibkiyo cagaarkiyo dhulkoo dooggu ku ekaaday
Dararta iyo Caanaha kolbaa laga durduurtaaye
Anna gabayga deeqdiisa waan soo dayaafadin,e.
Aarkuba wuxuu duurka iyo dibadda meerraaba
Dibjiryadiyo gaajada wuxuu doc isku tuurraaba
Duub meella iyo kayn wuxuu deero ka eryaaba
Dagantida mar uun buu hellaa duunyo baadiya,e
Dulka fuulka boodda hadduu duubiyada saarro
Diribta iyo jiirkiyo markuu hulibka diirraayo
Dibintiyo ilkaha dhiiggu waa inuu ka daataaye
Dugaagga iyo haadkuba ka carar gool hadduu dilo,e.
Sida danabka yeeriyo hilaac diilintu isdhaaftay
Dinaahyada codkiyo goorti aan dogobka noolleeyo
Diindiinyadu khalqiga waa inay dhab uga duushaaye
Damiin iyo nin kii jilicsanbaan hadalku deeqsiine
Taariikhda goortii ladayo amase diiwaanka
Daliilkaan idiin qoray kabadan duurka geedaha,e
Dahabka iyo Luul igala wayn kaan daldalayaaye
Nin dundumo wacdiyay waa daleel inuu ku daallaaye
Damqanmayso Soomaalidaan diiri leeyahaye
Dubaaqa iyo laabtiyo dhaguhu uma dulleellaane.
Sayid-kiiba damac dowladnimo loona dacarreeye
Waxdhan buu dagaallamay intuu diiday gaalada,e
Dabkuu shidayay waagii haddaan duulna ka habaabbin
Dalkan aynu leenahay waqiis lama dullaalleene
Dayrlaguma oo teen kuwii diirka ii xigaye
Dubaakhooyinkii lagu dhuftiyo daqarki loogaystay
Docka weerarkii iyo markii bahalku dooxaayay
Soomaali baa ugu darnayd daalinkii cunaye
Idinkaa duleedinahayee dirir itaalkiise
Goortuu dangabay wowsagii siidabayshadaye.
Nimankii dayacan dowladnimo kuma dikeeyaane
Dulibay mutaan iyo ninkale inuu dumaallaaye
Daldaloolka cadowgoodu waa kii ku diirsadaye
Diihaalka bixi waayay iyo diifta nagu raagtay
Dirdir iyo qabiilnimo haddii dibadda lootuurro
Oo daacadloowada socdoo lagu dikaynaayo
Gobonimada dararteedu waa inay ku deeqdaaye.
Dayaxaa cirkiyo reerrahaas dagaya guudkeena
Digsigaa lalaayiyo sancada dunidu dhiilootay
Dadku waxay ku gaarreen aqoon durugtay weeyaane
Idinkuna dun iyo liilan iyo dacas mahaysaane
Durdurka iyo wabiyaasha oo wada dareerraaye
Dibaddaad ka baridaan waxaad daanka galisaane.
Daartii guduudnayn raggaan ugu daryeelaynay
Dibutaatigii eednay iyo doorashadi jaane
Dib noo celiye tobankii sanoo ay dalacayeene
Daraawiishta iyo ciidankii dumiyay oo tuuray
Duco tan ugu wayn iyo salaan baan u dirayaaye
Waakaa dalayskii ifkiyo nuurki daahiraye.
Digniinse waxaan u iri hadal yaroon ugu danbeysiiyay
Gudiyahay docdiinaa khalqigu wada dayaayaaye
Dusha waxaad ku qaadeen culays dayn ka xoog badane
Dariiqaad fashaan baa hadhow laysku daadihine
Haddaad idinku dalabyeelataan kala didweeyaane
Dulaalbaa arlada meerayiyo daalin wayraxaye
Dariskiyo shisheeyuhu kuway soo dirsanayaane
Darxumadeenu waa maalintii laysku keendiro,e
Nin darmaan latagay raacdo waa dabagalaysaaye
Doqontii dhagwaynbaan ogayn dabinka hoosyaale
Dareenbaa kujira meel galbeed daabkuleeyahaye
Diyaar waxaad u noqotaan inaad daafacdaan cadowga