|
Waari mayside war hakaa hadho.
Waa baahan tahay bakhtiga looma cuno
Waayeel ha soocine, wax aqoonta sooca.
Wadaad jiilaal injir lagama qabto
Wadaanta isha ka xumaataa, faylkay la tagtaa.
Wadaantii geeleeda kaafida, baa mid kalena kaalmeysa.
Wadar iyo waaxid yaa waalan
Wadiiqada yari waddiqada weyn bay kugu riddaa
Walaalkaa dhuux tagoogaa loogu soo subkadaa (dhaashadaa).
Walaashaa iskuma hubtide, seedigaa ha colaysan.
Wan weyn illaa la gowraco indhihiisu cirka ma arkaan
War jiraaba cakaaruu iman.
War helaa, talo hela
Waraabe daalay, dirirtiisaa loo tagaa.
Waraabe ulla lala gaadhi waa, orodna wax lagaga dhibi waa.
Wax aad baratay waa baaskaa
Wax aqoon wax looma sheego.
Wax la dhalay iyo dhul baa loo marti yahay.
Wax la qarashaa ama qudhme ama qubte
Wax rag kaa galay rako kaa gale.
Waxaad dhuuso moodaysaa, xaar kugu noqda.
Waxaan calaf ahayna lama cuno, waxaan hed ahayna looma dhinto.
Waxaan kashaada gelin, korkaaga yay dhaamin.
Waxaanad filanany iyo fallaari waa kaa fuc siiyaan
Waxay sheegatayba ha weydee, waa lagu shareerraa.
Wiil intuu ood ka booduu talo ka boodaa
Xabaallo waalid baa xoolo lagala baxaa.
Xadhko geel ma wada xidhaan.
Xaglo laaban xoolo kuma yimaadaan
Xarrago dumar xanuun ma leh
Xiiso iyo xoorba way dhacaan.
Xornimo adaa ku noole,iyadu kuguma noola
|