Ê
Home   |   International News   |  National News   |  Ohio News   |  Business News   |  Community Directory   |  Profile   |  Arts & Entertainment
Culture & Poetry   |  Kids Notes & Language   |  Sports  |  Editorial   |  Classifieds   |  Contact Us   |  Work For Us   |  Advertise With Us

  International News

Qaamuus Cusub
Qaamuuskaan cusub ee “Advanced English-Somali Dictionary” nasiib wanaag maantay waxaad ka soo iibsan kartaa suuqyada Columbus, Ohio. Ahmed Hussein Mire oo ka tirsan ganacsatada maxalliga ah iyo odayaasha Jaaliyadda Soomaaliyeed ayaa qoray, soona daabacay qaamuuskaan sanadkaan gudihiisa. Wuxuuna rajaynayaa in ay ka faa’iidaystaan jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku sugan Waqooyiga Ameerika iyo adduunka intiisa kalaba.

“Waddan qalaad markaad ku sugantahay, waxa ugu horreeya oo  aad u baahaatid waa luuqaddiisa,” ayuu yiri Mire. Waxaa kale oo uu intaas raaciyay, buuggaan wuxuu anfac gaar ah u yeelan doonaa dugsiyada sare, ardayda jaamacadaha, iyo ganacsatada jaaliyadda Soomaaliyeed. In kasta oo ay jiraan dhawr qaamuusyo kale oo la helikaro, waxay xambaarsan yihiin waxyaalo aasaasi ah, ayuu yiri Mire. Kanse waa midkii kowaad oo lagu turjumo Soomaaligiisa erayo English ah oo faahfaahsan.   “Kani waa qaamuuskii ugu danbeeyay uguna waynaa,” buu yiri Mire. Qaamuuskaan oo wax yar ka culus 3 rodol (pounds), wuxuu xambaarsan yahay in ka badan 150,000 eray oo ku qoran 1,205 bog. Marka loo eego qaamuusyada kale, Mire qaamuuskiisa wuxuu xambaarsanyahay erayo ka waawayn. Waxaa kale oo gadaal uga qoofalan lifaaqyo wata xog diyaarsan ee xag ganacsi, juqraafi, maah-maahyo, iyo mahadhooyin kale. Buuggaaan oo ka bilawda xarfka “a” kuna dhammaada erayga “zygodactylous” oo macnihiisu wax ka sheego qaabdhiska firraaqyada raafafka shinbiraha. Qaamuuskaan erayada qaarkood wuxuu ku macneeyaa Carabi, sida erayga “drunkard” oo ku macnaysan{sakiir}.  “Soomaalida qaarkeed ayaa aad u fahmidoona marka ay arkaan Carabiga,” ayuu yiri Mire. “Haddaad taqaan Carabi, hore ayaad ka garanaysaa ama markaas baad baran.” Si macnaha aad loogu sharxo, Mire wuxuu raaciyay erayga xididkiisa asaleed oo ay wehliyaan horgalihiisa iyo dibgalihisa.  Mire, oo soo dagay Ameerika 1985, dhibaato badan ayaa laga kulmay qaamuus la’aanta jirtay horraantii 1990 intii uu ku noolaaa San Diego, California.  “1992, markii barakacu halkaan yimid, ardayda Soomaaliyeed badan koodu ma-aqoon luuqadda English-ka,” buu tibaaxay Mire. “Imaanshahoodiina layaab dhaqan-qalaadeed bay kala kulmeen.”

Wada jir ahaan  hogaamiyayaashii kale ee jaaliyaadda Soomaaliyeed ee San Diego , Mire wuxuu la shaqeeyay hoggaanka waxbarashada iyo maamulayaasha dugsiyada sare si uu u abaabulo barnaamijyo ardayda looga caawiyo dugsiga kadib (after school), loona maray urur samafaleed oo lamagac baxay Somali Youth& Education Center. Barnaamijkaas waxaa loogu talagalay ardayda dhigata dugsiyada sare in kor loogu qaado English-kooda iyo xirfadaha xisaabeed. Taas oo ardayda yar-yar oo dhiganaysay dugsiyada hoose ayna dhib la sheego kala kulmin English-ka, marka  loo eego kuwa agoorka ahaa oo dhib badan soo foolsaartay. Waaya-aragnimada Mire ka helay San Diego, ayaa ku xambaartay in uu qoro, daabacana qaamuuskaan.

Maantay, wuxuu rajaynayaa in uu ku sii caawiyo qaamuuskaan cusub ardayda Soomaaliyeed ee deggan Columbus, Ohio iyo ka sii fog.Haddadaan la joogo, qaamuuskaan waxaa laga soo iibsan karaa SALAMA BOOKSTORE oo ku yaal gudaha GLOBAL MALL ee waddada Morse Road. Waxaa kale oo laga heli karaa BANADIR MALL (International Mall) unit #18 ee dukaanka gada kaararka telefoonka. Qaymaha buugani waa $40 oo qur ah. Dhawaanna Mire wuxuu qorshaynayaa in laga dalban karo.


Advertisement

In Ka Badan 2 Milyan oo Musliimiin ah Ayaa Istaagtay Banka Carafo
December 07, 2008 (HOL): In ka badan 2 Milyan oo Muslimiin ah oo ka kala socda daafaha Caalamka ayaa bishan todobadeedii istaagnaa Banka Carafa, iyagoo gudanaya waajibaadka Xajka. Muslimiintaas waxaa ka mid ah dad badan oo Soomaaliyeed oo dalka gudahiisa iyo dibaddiisa ka tegay, kuwaasi oo meel ku wada ku sugan, Isla markaana Allaah ka baryaya in uu dadkooda iyo dalkooda dhibaatada ka dul-qaado. Shiikh Maxamuud Aw-Cabdulle Cariif oo ka mid ah Culumaa’udiinka sida weyn looga yaqaano dalka Soomaaliya gudahiisa iyo dibaddiisa, kana mid ah Dadka Soomaaliyeed ee sanadkan fursadda u helay in ay soogutaan waajibaadka Xajka ayaa wuxuu sheegay in Muslimiinta isugu timid gudashada Waajibaadka Xajka ay yihiin kuwo Malaayiin ah, wuxuuna caddeeyay in aaney ilaa iyo haatan dhicin wax dhibaato ah. Shiikh Maxamuud Aw-Cabdulle Cariif waxaa uu sheegay in Dadka Soomaaliyeed oo meel gaar ah la dejiyay ay u soo duceynayaan Dadka Soomaaliyeed ee ku sugan gudaha Soomaaliya, iyagoo uga baryaya in uu dhibaatada ka dul-qaado, sidaas darteedna wuxuu shacabka Soomaaliyeed ee gudaha dalka ku dhaqan uu ugu baaqay in ay iyana ducadaas aamiinsadaan, ayna Allaah u towbad keenaan.

Ugu dambeyntiina haddii maanta la taagan yahay Banka Carafo waxaa shaki la’aan ah in ay maalinta berri ah tahay maalin Ciid ah oo ay Dadka Muslimiinta ah ee Dunida dacalladeeda ku dhaqan ay tukanayaan Salaadda Ciidul Adxa.

Salaad Iidow Xasan (Xiis),  Hiiraan Online


Kooxaha Burcad Badeedka Soomaaliya ah oo Sii Daayay Markab
Qoray SAID HADDE
Kooxaha Burcad badeedka Soomaalida ah oo baryahan danbe si aad ah u soo xoogaysanayey, muujiyeyna qaab isku xirnaan iyo maamul gudohooda ah ayaa sii daayay Markab laga lahaa waddanka Yemen oo ay ku haysteen xeebaha Dalka Soomaaliya.

Markabkan oo laga lahaa waddanka Yemen ayaa laga sii daayay deegaanka Ayl ee gobolka Nugaal isagoo aan wax madax furasho ah laga qaadan. Markabkan ayaa la sheegay in muddo xooggaa ah ay burcad badeedku ku haysteen Xeebaha Soomaaliya.  Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada iyo Xiriirka Caalamiga ee Maamulka Goboleedka Puntland Cali Cabdi Awaare ayaa waxaa uu xaqiijiyay in Markabkaasi laga lahaa dalka Yemen uu ka tagay deegaanka Ayl iyadoo aan wax madaxfurasho ah laga bixin.

Wasiirku waxaa uu sheegay in wadahadalo dheer oo ay wadeen Maamulka Puntland, odayaasha deegaanka iyo weliba kooxaha burcad badeedka ah ay suurto galisay in la sii daayo markabkaasi. Sidoo kale wadahadalada lala galay kooxaha burcad badeedka ayaa waxaa goob joog ka ahaa safiirka Waddanka Yemen u fadhiya dalka Soomaaliya iyo madax ka socotay waddankasi Yemen. Maamulka Puntland ayaa waxaa ay si xoog ah ku soo furtaan Maraakiibta xambaarsan shixnadaha ganacsi ee ku soo socotay.

Si kastaba ha ahaatee maalmahan ayaa waxaa badatay in ay burcad badeedku ay bataan oo uu caalamka wax ka qaban la’ yahay. Burcad badeedku waxay helaan lacag aad u farabadan ka dib markii ay afduubtaan markab ayna waydiistaan madaxfurasho gaaraysa dhowr malyan.


Xoogag Ka Amar Qaata Dhaqdhaqaaqa
Al-Shabaab oo la wareegay Degmooyinka Dhuusa-mareeb iyo Matabaan

December 07: Xoogag ka amar qaata Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ayaa waxay la wareegeen gacan ku heynta Degmooyinka Dhuusa-mareeb iyo Matabaan ee Bartamaha Soomaaliya. Maamulkii horay uga talinayay Degmooyinkaas ayaa isaga baxay halkaas ka dib markii ay xoogagga Al-Shabaab gaareen, waxaana haatan gudaha Degmooyinkaas lagu arkayaa Xoogagga Al-Shabaab.

Horay waxay Xoogagga Al-Shabaab ula wareegeen gacan ku heynta Degmada Guriceel, inkastoo halkaas ay labo jeer dagaallo ku qabsadeen, kuwaasi oo mar dambe iskood u istaagay iyadoo aaney cidina joojin. Xoogagga Al-Shabaab ayaa waxay  sidoo kale  la wareegeen gacan ku heynta gobollo dhowr ah oo ku yaalla Dalka Soomaaliya, kuwaasi oo ay horay uga talin jireen maamullo ay magacawday Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntiina la wareegitaanka Degmooyinka Dhuusa-mareeb iyo Matabaan ee Xoogagga Al-Shabaab ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo shalay uu Ururka Al-Shabaab Maamul Islaami ah u sameeyay Gobolka Shabeelaha Hoose oo uu dhawaan gacan ku heyntiisa la wareegay.

Advertisement

A book by Abdi Roble & Doug Rutledge
Order Today at:
www.upress.umn.edu/Book/R/roble_somali.html


Madaxweyne Yusuf oo sheegay in wax xukuumad ah aysan ka jirin Dalka iyo isagoo walwal ka muujiyay Qabsashada inta badan gobolada Dalka iyo sii xoogeysiga xoogaga ka soo hor jeeda
Madaxweyne Yusuf ayaa Qaar ka mid ah Baarlamaanka KMG Soomaaliya ka hor cadeeyay in wax xukuumad ah aysan ka jirin Dalka waxaana uu walwal ka muujiyay Qabsashada inta badan gobolada Dalka iyo sii xoogeysiga xoogaga ka soo hor jeeda.

Kadib kulan qaado sharaf ah oo maanta magaalada Nairobi oo uu ku casuumay qaar ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf waxaa uu sheegay in dalka aysan xiligan wax xukuumad ah ka jirin intiisa Badana ay la wareegeen xoogaga ka soo hora jeeda dowlada KMG Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa uu sheegay madaxweynuhu in xildhibaanada Barlaamaanka ay si deg deg ah ugu soo laabtaan magaalada Baydhabo si halkasi loogu dhiso xukuumad Cusub oo ay yeelato Dowlada KMG Soomaaliya.

Madaxweynuhu waxaa uu baarlamaanka hortiisa ka qiray in inta badan dalka Soomaaliya ay la wareegeen xoogaga ka soo hor jeeda dowlada KMG Soomaaliya iyo ciidamada Taageera isla markana ay dowlada ku egtay magaalada Baydhabo iyo Muqdisho halkaasina ay dagaalo ka socdaan oo aysan dawlada Awood la sheega ku leheyn.

“Wax Xukuumad ah kama Jirto Dalka waayo intiisa badan Waxaa la wareegay xoogaga dagaalada nagula jira waad ka war heysan Muqdisho iyo Baydhabo oo kaliya in ay gacanta noogu jirto iyadana ay maalin waliba dagalo ka dhacayaa” ayuu yiri Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf oo maanta kulan qado ah kadib kula hadlayay qaar ka mid ah xildhibnaada baarlamaanka.

Cabdullaahi Yuusuf Axmed Ayaa Ra’isul wasaaraha dowlada KMG Soomaaliya ku eedeeyay in uu kala diray xubnahihii wasiirada ee ka shaqeeynayay ammaanka dalka isla markana uu soo magacaabay kuwa aan danaha dalka ka fikireyn sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweynaha ayaa waxaa uu walwal farabadan ka muujiyay sii xoogeysashada Xoogaga ka soo hor jeeda ee ku sii baahaya gudaha dalka kuwasi oo inta badan la wareegay gobolada Dalka Soomaaliya.
“Waad ka war heysaan in Deegaanka Ceelasha Biyaha oo magaalada Muqdisho u jira Wax ka yar 15-KM ay la wareegeen xoogaga inaga soo hor jeeda” ayuu yiri Cabdullaahi Yuusuf.

Sidoo kale Cabdullaahi Yuusuf ayaa diiday in uu aqbalo liiska wasaiirada uu soo magacaabay Ra’isul wasaaraha Dowlada KMG Soomaaliya ee uu u soo gudbiyay isaga waxaana uu ku tilmaamay wasiirada uu u soo gudibay Ra’isul wasaaraha in ay yihiin kuwa uu baalka ku heysto sida uu hadalka u dhigay Madaxweyne Yuusuf. Dhanka kale Ra’isul wasaare Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa isna waxaa uu u yeeray qaar ka mid ah xildhibaanada iyo masuuliyiin uu u magacaabay wasiirada uu ka biyo diidsan yahay Madaxweynaha kuwasi oo aan la ogeyn waxa uu ku saabsan yahay. Arintani ayaa waxaa ay cadeeyneeysaa qilaafkii u dhexeeyay labada masuul ee lagu soo xalin waayay dalka Ethiopia qilaafkooda in ay u kala sharaxaan afkaartooda xubnaha kala taageersan.

Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa u muuqada kuwa kala taageersan afkaarta labada Masuul ay kala aaminsan yihiin oo ku guuldareysatay in ay isku raacaan dowlada Cusub oo loo dhan yahay iyadoo dowlada Ethiopana ay u taagweysay in ay dhameyso Qilaafka u dhexeeya labada masuul oo ay ku casuunatay magaalada Adiss Ababa kuwasi oo mudo gaaban kuwada Sugnaa magaaladasi.

Waxaa ay tani muujineeysaa in labadani masuul ay ku tartamayaan helida Awooda Baarlamaanka kmg Soomaaliya oo waayadani danbe la kala safnaa labada Masuul.

Arintani ayaa ku soo aadeeysaa xili xildhibaanada Barlaamka ay weli intooda badan ku sugan yihiin magaalada Nairobi oo aysan weli soo aadin magaalada Baydhabo marka laga reebo xildhibaano tiro yar oo uu ka mid yahay Gudoomiyaha Baarlamaanka.

        International | National | Ohio | Business | Community | Profile_ | Arts and Entertainment | Culture and Poetry | Kids Notes and Language | Editorial_ | Classifieds_

        Home   Contact Us   Work For Us    Advertise With Us   Archives        © Copyright 2008 The Somali Link Newspaper          Webmaster: