Ê
![]() |
| International |
More International Articles Swedish doctors urge action over autism-sunlight link Dowladda Spain oo sheegtay in ay markab dagaal u soo direyso Xeebaha Soomaaliya
|
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo Muqdisho ku laabtay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa maanta wuxuu dib ugu noqday Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya. Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa maalmihii aynu ka soo gudubnay
wuxuu ku sugnaa Magaalada Garowe, halkaasi oo uu kulamo kula soo qaatay
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Jen. Cadde Muuse iyo xubno ka
tirsan labada gole ee Maamulka Puntland, kuwaasi oo uu kala hadlay arrimo
ku saabsan doorashooyin sanadka soo socda ka dhici doona deegaannada Puntland,
Amniga Puntland iyo weliba Arrimo ku saabsan Shidaal laga baarayo Deegaanno
ka tirsan Puntland. Intii aanu Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ka soo degin garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde waxaa Wadada Makka Al-Mukarama la dhigay Ciidamo badan oo isugu jiray Itoobiyaan iyo Soomaali, kuwaasi oo gebi ahaanba xayiray isu socodka dadka iyo gaadiidka ee Wadada Makka Al-Mukarrama, iyada Wadadana ay xirneyd muddo saacado ah. Ma jirin wax iska hor-imaad ah oo Wadadaas ka dhacay sidii dhici jirtay marar hore oo uu Madaxweynaha dalka ka dhoofayay ama ku soo noqonayay, wuxuuna Madaxweynaha si nabadgelyo ah ku tegay Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia. Source: Hiiraan Online |
| Home Contact Us Work For Us Advertise With Us Archives © Copyright 2008 The Somali Link Newspaper Webmaster: |