|
Dowladda Spain ayaa shaaca ka qaaday in ay Xeebaha Soomaaliya
u direyso Markab Dagaal oo la dagaallami doona Kooxaha Burcad Badeedka
ah ee ka dilaacay Xeebaha Soomaaliya.
Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Spain Haweeneyda lagu magacaabo Carme
Chacon ayaa Axaddii ugu baaqday Dalalka Caalamku in ay Ciidamadooda u
diraan Xeebaha Soomaaliya oo aan lahayn cid ilaalisa tan iyo wixii ka
dambeeyay markii ay burburtay Dowladdii hore ee Soomaaliya.
Wasiiraddan ka tirsan Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay si dhakhso
ah Markab dagaal ugu dirayaan Xeebaha Soomaaliya, taasi oo Ciidamada saaran
ay la dagaallami doonaan Burcad Badeedka sida sharci darrada ah uga kalluumeysta
Xeebaha Soomaaliya iyo kuwa Maraakiibta iyo Doomaha qafaasha.
“Waxaan rabnaa in aan si dhakhso ah ciidamo ugu dirno Xeebaha Soomaaliya
waayo waxaa bilaabanaya xiliga Kalluumeysiga ee ay Kallumeysatada sharci
darroda ahi ka kaluumaysan jireen Xeebaha Soomaaliya”ayay tiri Carme
Chacon oo u warantay wargeyska lagu magacaabo El Pais.
Dowladda Spain ayaa dhawaan waxay lacag hal Milyan oo Doollar ka
badan siisay kooxo burcad badeed Soomaali ah, kuwaasi oo qafaashay
markab laga leeyahay dalka Spain iyo shaqaale saarnaa oo ay ku jireen
muwaadiniin Spanish ah.
Sida ay sii deysay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Badaha
ee IMB waxaa Xeebaha Soomaaliya ka dhacay sannadkii hore oo kaliya 25
weerar oo lagu qaaday maraakiib iyo doomo isugu jiray kuwo ganacsato u
rarnaa, kuwo gargaar bani’aadannimo waday, kuwo kalluumeysi iyo
kuwo ay la socdeen dad dalxiisayaal ahiba.
Source: Hiiraan Online
|