|
Nin tuug ah ayaa wuxuu doon-doonayey wax uu xado, dabadeedna isaga oo
jid maraya ayuu la kulmay nin doqon ah. Markaa ninkii wuxuu waydiiyey
in ay reero meelahan deggan yihiin iyo inkale. Doqonkii wuxuu ugu jawaabay
“haa” oo reerkayega ayaa deggan. Markaa ayaa tuugii wuxuu
waydiiyey doqonkii jidka reerka loo maro, wuxuu ku jawaabay, “jidkan
toos u raac wuxuu ku gayn gurigayga, marka aad gaarto gurigayga ha xadin
alaabta ii taal ee xagga iyo xaggaa ku jirta, haddii aad xadana aniga
ii imo waan kaala hari alaabtayda, haddii aan kaala hadhana dadka ayaan
u yeedhi, dadkuna weyku dilli.” Tuuggii wuxuu la yaabay nin aannu
garanayn oo u tilmaamaya gurugiisa isla markaana u sheegeya sirtiisa iyo
halkuu wax dhigto oo dhan. Tuuggii isaga oo weli la yaaban doqonka ayuu
sidii loogu tilmaamay intuu yeelay gurigii tagay oo qaatay alaabtii oo
dhan. Wuxuuna yidhi, “Illaahow ha noo waayin doqon sirtiisa noo
sheega.”
Dulucda sheekada: Sheekadani waxay tilmaan fiican inaga siinaysaa sida
qofka aan sifiican wax ugu fiirsan ay dhibaato noocan oo kale ah ugu dhici
karto.
A long time
ago a thief was walking along the road looking for someone to rob. He
met a man that lived with his family in a small house nearby. The thief
asked the man if he lived in the nearby house. The man said he did. The
thief then said, “Bring me to your house. I want to stay with your
family tonight.” The man said to the thief, “ If you go into
my house, please don’t steal the things that I have hidden around
my house.” The foolish man then told the thief all the secret hiding
places and he added, “Please don’t take all of my valuable
things. If you take my things, I’ll ask you to come back so I can
take all my things back from you. Then I’ll call the people to kill
you.” The thief went to the foolish man’s house, and took
everything from him. The thief then said, “I wish that I would always
have a foolish man like this to steal from.”
Lesson: Don’t tell your secrets to someone you don’t trust.
Beri baa waxaa jirey Maroodi iyo Dabagaale saaxiib ah.
Wey wada cayaari jireen. Waxay u dabaal tagi jireen webiga. Markasta
oo ay dabaal tagaan inta Maroodigu kor u qaado
Dabagaalaha ayuu biyaha dhexdooda dhigaa, markaasna faraha ayuu ka qaadaa,
dabadeedna biyeha ayuu ku haftaa.
Dabagaaluhu maalin walba wuxuu ka soo baxaa biyaha isaga
oo daalan. Inta badana waxaa dhacda in marka uu biyaha ka soo baxayo dhoobadu
ku dhegto sayntiisa oo mudo uu ka soo bixi keri waayo, Maroodiguna aanu
ogeyn dhibaatada Dabagaalaha haysata.
Mar mar inta maroodigu u yimaado Dabagaalaha ayuu kor u
qaadaa oo bood boodsiiyaa isaga oo is leh ka farxi saaxiibkaa. Maalin
danbe ayuu Dabagaalihii u yimi Maroodigii, wuxuu ku yidhi, “waxaan
kuu sheeg yaa saaxiibow waxyaalaha aad ciyaarta ka dhiganayso aniga waa
dhimashadeyda, sidaa daraadeen kulama ciyaari karo.” Maroodigii
yaab ayaa ka soo hadhay, markaasuu yidhi. “Dabagaale anigu waan
ku cayaarsiinayey, adna waad dhib satey ee maxaan kugu sameeyey?”
Dabagaalihii ayaa yidhi, “ma maqashey waxa layidhi, Nin waxa uu
ku raaxaysto ninka kale ayey dhibtiisa tahay” ee saaxiibow amaanka
iigu dadaal.
Dulicda sheekada:
Waydii saaxiibkaa waxa dhiba iyo waxaan dhibin, si aanad u dhibaatayn.
A long time ago an elephant and a squirrel were friends.
They would play together. One day they went swimming. The elephant carried
the squirrel and put him in the water. Then he left him alone to swim.
The squirrel struggled for air because he could not swim. The elephant
didn’t know that the squirrel couldn’t swim and that he was
struggling to get out of the water.
The squirrel got stuck in the mud, and he was very tired.
When the elephant came back to get the squirrel, he saw that the squirrel
was tired and sad. He played with the squirrel, and carried him on his
trunk. The elephant was trying to make the squirrel happy.
The next day the squirrel came to the elephant. The squirrel
said, “I came here to tell you, my friend, that the fun we had yesterday
is killing me. The things that are fun for you are not good for me. I
can’t stand this anymore.” The elephant was so surprised.
He said, “All I wanted was to play with you, and to be friends with
you. You say that I’m hurting you instead of playing with you. What
did I do to you?” Then the squirrel said, “What you like may
not be what I like. So please, my friend, leave me alone.”
Lesson: Everyone does not like the same thing. What one
person likes doesn’t mean it’s good for everyone. Don’t
expect everyone to like what you like, and don’t think that
you should like what everyone else likes. Don’t be friends
with someone that could hurt you.
Halkan
waxaad ku aragtaan magac-u-yaalo Ingirisi ah:
I (aay) anigu
you (yuu) adigu, idinku
he (hii) isagu
she (shii) iyadu
we (wii) anagu
they (THey) iyagu
Magac-u-yaalka you waxaa loo isticmaalaa labadaba “adigu”
iyo “idinku”.
Halkan waxaad ku aragtaan Qaab Xaalad Sahlan ee falka be:
I am (aay aam) waa aniga, waan ahay
you are (yuu aar) waa adiga, waad tahay; waa idinka, waad tihin
he is (hii iz) waa isaga, wuu yahay
she is (shii iz) waa iyada, way tahay
we are (wii aar) waa anaga, waanu nahay
they are (THey aar) waa iyaga, way yihin
Halkan waxaad ku aragtaan Qaab Xaalad Sahlan ee falka have:
I have (aay haav) waan heysta, waan qabaa
you have (yuu haav) waad heysata,
waad heysatan
he has (hii haaz) wuu heysta
she has (shii haaz) way heysata
we have (wii haav) waanu heysana
they have (THey haav) way heystan
Hadalka Qaabka Xaalad Sahalani waxaa loo isticmaalaa qeexidda
iyo falka caadiga ah ee xaalada la joogo. Tusaale:
The sun is hot. Qoraxdii waa kulushahay.
We are happy. Waanu faraxsan nahay.
Erayada:
food (fuud) cuno, raashin
coffee (kofii) qaxwo, kafe
tea (tii) shaahi, caleen-shaahi
milk (milk) caano
water (woter) biyo
sugar (shUger) sokor, sonkor
honey (hanii) malab
cheese (chiiz) burcad
rice (raays) bariis
meat (miit) hilib
fish (fish) malay
home (hoom) guri
guitar (gitaar) gitar
wood (wUd) alwaax
paper (peyper) warqad
gold (goold) dahab
money (manii) lacag
English (Ingglish) Ingirisi
Italian (Itaalyen) Talyaani
and (aand) iyo
right (raayt) sax, saxsan
wrong (rong) khaldan, khalad
happy (haapii) faraxsan
sad (saad) murugo, tirayeysan
early (erlii) goor-hore, wakhti hore
late (leyt) goor-dambe, wakhti dambe
hungry (hanggrii) bahan, gaajo
thirsty (therstii) haraad, oon
hot (hot) kulul, kulayl
beautiful (biuutifUl) qurux-badan, quruxsan
strong (strong) adag, qawii, kakan
clever (klever) xariif
lucky (lakii) nasiib
ready (redii) diyaar
often (ofen) inta badan, sida badan
Here are the English personal pronouns:
I (aay) anigu
you (yuu) adigu, idinku
he (hii) isagu
she (shii) iyadu
we (wii) anagu
they (THey) iyagu
The pronoun you is used for both “adigu” and
“idinku”.
Here is the Simple Present of the verb be:
I am (aay aam) waa aniga, waan ahay
you are (yuu aar) waa adiga, waad tahay; waa idinka, waad tihin
he is (hii iz) waa isaga, wuu yahay
she is (shii iz) waa iyada, way tahay
we are (wii aar) waa anaga, waanu nahay
they are (THey aar) waa iyaga, way yihin
Here is the Simple Present of the verb have:
I have (aay haav) waan heysta, waan qabaa
you have (yuu haav) waad heysata, waad heysatan
he has (hii haaz) wuu heysta
she has (shii haaz) way heysata
we have (wii haav) waanu heysana
they have (THey haav) way heystan
The Simple Present is used for descriptions and for referring
to habitual actions in the present. For example:
The sun is hot. Qoraxdii waa kulushahay.
We are happy. Waanu faraxsan nahay.
Vocabulary:
food (fuud) cuno, raashin
coffee (kofii) qaxwo, kafe
tea (tii) shaahi, caleen-shaahi
milk (milk) caano
water (woter) biyo
sugar (shUger) sokor, sonkor
honey (hanii) malab
cheese (chiiz) burcad
rice (raays) bariis
meat (miit) hilib
fish (fish) malay
home (hoom) guri
guitar (gitaar) gitar
wood (wUd) alwaax
paper (peyper) warqad
gold (goold) dahab
money (manii) lacag
English (Ingglish) Ingirisi
Italian (Itaalyen) Talyaani
and (aand) iyo
right (raayt) sax, saxsan
wrong (rong) khaldan, khalad
happy (haapii) faraxsan
sad (saad) murugo, tirayeysan
early (erlii) goor-hore, wakhti hore
late (leyt) goor-dambe, wakhti dambe
hungry (hanggrii) bahan, gaajo
thirsty (therstii) haraad, oon
hot (hot) kulul, kulayl
beautiful (biuutifUl) qurux-badan, quruxsan
strong (strong) adag, qawii, kakan
clever (klever) xariif
lucky (lakii) nasiib
ready (redii) diyaar
often (ofen) inta badan, sida badan

|
Halkan waxaad ku aragtaan tusaalooyin magacayo:
mother (maTHer) hooyo
father (foTHer) aabe
son (san) inankaga, wiilkaga
daughter (doter) inaantada, gebertada
boy (booy) wiil
girl (gerl) gabar, gobadh
brother (braTHer) walaal, walalka
sister (sister) walasha
grandfather (graandfoTHer) awowe
grandmother (graandmaTHer) ayeeyo
husband (hazbend) ninka xaaska leh, ninka naagta qaba
niece (niis) inanta eey walalaha dhaleen
nephew (nefiuu) inanka eey walalaha dhaleen
cousin (kazin) ina adeerka, ina adeerta, ina abtida, ina abtiga
aunt (aant) eddo ama habar-yar
uncle (angkel) adeer ama abti
friend (frend) saxiib
guest (gest) marti
neighbor ama neighbour (neyber) jaar, jiiran, deris
apple (aapal) tufaax
“Hooyo” waa magaca kaliga ah.
“Hooyoyin” waa magaca wadar ah. Sida badan magacyada
Ingiriska waxaa la raaciyah s si looga dhigo wadar. Tusaale:
mothers (maTHerz) hooyoyin
fathers (foTHerz) aabeyaal
sons (sanz) inamo
daughters (doterz) gabdho
boys (booyz) wiilal
girls (gerlz) gabdho
apples (aapalz) tufaaxyo
Qaar ka mid ah magacyada Ingiriska ma leh
qaab wadareed. Tusaale:
butter (bater) subag
milk (milk) caano
water (woter) biyo
Marka ey cadahay in qof ama shay la qeexaayo
erayga the waa in lo isticmaalo magaca hortiisa. Tusaale:
the son (THe san) inankii
the daughter (THe doter) inantii
the mothers (THe maTHerz) hooyoyinkii
Falal la la isticmaalayo magacyada kaliga
ah ee islamarkaana wuxuu ku dhamaanaya sida falal loo isticmaala
kale he ama she. Tusaale:
he opens wuu furaa
the boy opens wiilkii wuu furaa
she brings way kentaa
the daughter brings inantu way kentaa
she is waa iyada
the daughter is inantu waa
Falalka loo isticmaalay magac wadar waxay
ku dhamaanayaa sida falalkasi they. Tusaale:
they open way furaan
the boys open wiilashi way furaan
they bring way kenaan
the mothers bring hooyoyinkii way kenaan
they are waa iyaga
the mothers are hooyoyinka waa
Magacyada qaarkood wuu isbadalaa hingaadoodu
marka la raaciyo s:
Magacyada qaarkood ee ku dhamaada xarafka
o raaci e, s hortooda. Tusaale:
mosquito (maskiitoo) kaneeco, mosquitoes
(maskiitooz) kaneecoyin
potato (pateytoo) batato, potatoes (pateytooz) batatoyin
tomato (tameytoo) yaayo, tomatoes (tameytooz) yaayoyin
Magacyada ee ku dhamaada xurufaha ch, s,
sh, x ama z raaci e, s hortooda. Tusaale:
bus (bas) bas, buses (basez) basas
box (boks) sanduuq, boxes (boksez) sanaadiiq
brush (brash) kayn, brushes (brashez) kaymo
class (klaas) fasal, classes (klaasez) fasalo
dish (dish) sixni, dishes (dishez) saxuun
glass (glaas) koob, glasses (glaasez) kobab
match (maach) kibriid, taraq, matches (maachez) kibriidyo, taraqyo
Magacyada ee ku dhamaado shakhal-dheere oo
ay raacdo y raaci s marka la dhigaayo wadar. Tusaale:
boy (booy) wiil, boys (booyz) wiilal
holiday (holidey) fasax, holidays (holideyz) fasaxyo
key (kii) fure, miftaax, keys (kiiz) furayaal, mafaafiix
Lakiin haddii magac ku dhamaado shibanne
oo ay raacdo y, xarafka y isku badali ie, s hortooda. Tusaale:
baby (beybii) cunug, babies (beybiiz) caruur
yaryar
city (sitii) magaalo weyn, cities (sitiiz) magaaloyin weyn
country (kantrii) dal, waddan, countries (kantriiz) dalal, wadamo
enemy (enemii) cadow, enemies (enemiiz) cadowya
family (faamilii) xaas, goys, families (faamiliiz) xaasas, goysas
library (laaybreyrii) maktabad, libraries (laaybreyriiz) maktabado
penny (penii) gombo-kumi, pennies (peniiz) kumiyal
Magacyada qaarkood ee ku dhamaado fe, f isku
badali v, s hortooda. Tusaale:
knife (naayf) mindi, knives (naayvz) mindiyo
life (laayf) nolol, lives (laayvz) nololo
wife (waayf) xaas, wives (waayvz) xaasas
Magacyada qaarkood ee ku dhamaado f, f isku
badali ve, s hortooda. Tusaale:
leaf (liif) caleen, leaves (liivz) caleemo
thief (thiif) tuug, thieves (thiivz) tuugyo
shelf (shelf) khanad, maqal, shelves (shelvs) khanado, maqalyo
Magacyo aad u yar, maa raacaan xeerarka.
Tusaale:
man (maan) nin, men (men) niman
woman (wUmen) naag, women (wimen) naago
child (chaayld) qofka yar, children (children) caruur
foot (fUt) cag, cagta hoose, feet (fiit) cago, cagaha
tooth (tuuth) ilig, teeth (tiith) ilko
mouse (maws) dooli jiir, mice (maays) jiirar
louse (laws) injir, lice (laays) injiro
person (persan) qof, people (piipal) dad
Marka ey na cadahay in qof ama shay la qeexaayo,
erayga a ama an waa in la isticmaalaa, magaca kaliga ah hortiisa.
Erayga a waxaa la isticmaalaa xarafka shibannayaasha hortooda.
Erayga an waxaa la isticmaalaa shakhal dheerayaasha hortooda.
Tusaale:
a man (aa maan) nin
a bus (aa bas) bas
an apple (aan aapal) tufaax
an enemy (aan enemii) cadow
Shay kale ah, oo aan banii aadan aheyn sheyga
waa loo istimaali kara erayga it. Labada tusaale ee lamanaha ahi
waa isku micno:
There is a door. The door is white.
Halkas waa albaab. Albaabkii waa caddan.
There is a door. It is white.
Halkas waa albaab. Waa caddan.
Shayga ka badan hal, waxaa loo isticmalaa
erayga they. Labada tusaale ee lamanaha ahi waa isku micno:
There are the doors. The doors are white.
Halkas waa albaabadii. Albaabadii waa caddan.
There are the doors. They are white.
Halkas waa albaabadii. Waa caddan.Haddii magaca ku dhamaaneynin
s, tilmaanta lahaashaha waa iyadoo magac waliba la raaciyo ‘s
qaadanaayo qofka. ‘s loogu dhawaaqaa “s”.
Tusaale:
the boy’s father inanka aabihiis
the girl’s mother inanta hooyadeed
Lakiin haddii magac ku dhamaado s, waxaa
la raciyo ‘ ka liya. ‘ lagumaba
dhawaaqo. Tusaale:
the boys’ father innamada aabohood
the girls’ mother gabdhaha hooyadood
Layli 1.
1.Wuu saxsan yahay. 2.Way faraxsan tahay. 3.Way harraadsan yihin. 4.Waan
bahanahay. 5.Waanu diyaarsa nahay. 6.Wuu yahay xariif. 7.Way adag tahay.
8.Waad khaldan tahay. ama Waad khaldan tihin. 9.Waan heysta lacag. 10.Way
heysata cunto. 11.Waanu heysana biyo. 12.Wuu heysta malay.
Layli 2.
1.They are sad. 2.She is beautiful. 3.We are hot. 4.He is lucky. 5.You
are clever. 6.We are strong. 7.You are happy. 8.I am right. 9.You have
paper. 10.They have wood. 11.You have gold. 12.He has meat.
Layli 3.
1.Waan raba shaahi. 2.Wuu raba hilib. 3.Way geyaan bariis. 4.Way geysa
sokor. 5.Waanu garana Ingirisi. 6.Wuu garta Talyaaniga. 7.Waad iibisaa
(ama Waad iibisaan) malab. 8.Way tagta goor-hore. 9.Wuu shaqeya goor-dambe.
10.Waad cunta (ama Waad cuntan) hilib.
Layli 4.
1.She sells rice. 2.You sell coffee. 3.We work late. 4.He drinks tea.
5.I drink coffee. 6.You want sugar. 7.She wants honey. 8.They eat rice
and meat. 9.I understand English. 10.He leaves late.
Layli 5.
1.Wuu bara Ingirisi. 2.Way tagta goor-hore. 3.Waanu daawana telefisyoon.
4.Way tagaan goor-dambe. 5.Way dhammaysa goor-hore. 6.Wuu qabta malay.
7.Waad tagta (ama Waad tagtan) guriga. 8.Wuu mayra malay. 9.Way daawata
telefisyoon.
Layli 6.
1.You finish early. 2.I go late. 3.She washes rice. 4.You teach English.
5.We leave late. 6.She goes home. 7.He teaches Italian. 8.He finishes
early. 9.They watch television.
Layli 7.
1.Way sida biyaha. 2.Waad dhaqsata. ama Waad dhaqsatan. 3.Wuu barta Talyaaniga.
4.Way ciyaarta gitaar. 5.Waad iibsata (ama Waad iibsatan) caano iyo burcad.
6.Way ooyda sida badan. 7.Wuu deg-dega. 8.Waanu barana Ingirisi. 9.Wuu
iibsada caleen-shaahi iyo sokor. 10.Way sidan alwaaxa.
Layli 8.
1.We carry rice. 2.He studies English. 3.They buy gold. 4.She buys rice.
5.He carries water. 6.She hurries. 7.You study English. 8.They marry.
9.We play guitar. 10.You study Italian.
Layli 1. U bedel Somali:
1.He is right. 2.She is happy. 3.They are thirsty. 4.I am hungry. 5.We
are ready. 6.He is clever. 7.She is strong. 8.You are wrong. 9.I have
money. 10.She has food. 11.We have water. 12.He has fish.
Layli 2. U bedel Ingirisi:
1.Way tirayeysan yihin. 2.Way qurux-badan tahay. 3.Waanu kulul nahay.
4.Wuu nasiib-badan yahay. 5.Waad tahay xariif. 6.Waanu adag nahay. 7.Waad
faraxsan tihin. 8.Waan saxsanahay. 9.Waad heysata warqad. 10.Way heystan
alwaax. 11.Waad heysatan dahab. 12.Wuu heysta hilib.
Layli 3. U bedel Somali:
1.I want tea. 2.He wants meat. 3.They bring rice. 4.She brings sugar.
5.We understand English. 6.He understands Italian. 7.You sell honey. 8.She
leaves early. 9.He works late. 10.You eat meat.
Layli 4. U bedel Ingirisi:
1.Way iibisaa bariis. 2.Waad iibisaan qaxwo. 3.Waanu shaqeyna goor-dambe.
4.Wuu cabaa shaahi. 5.Waan cabaa qaxwo. 6.Waad rabta sokor. 7.Way rabta
malab. 8.Way cunaan bariis iyo hilib. 9.Waan gartaa Ingirisi. 10.Wuu tagaa
goor-dambe.
Layli 5. U bedel Somali:
1.He teaches English. 2.She goes quickly. 3.We watch television. 4.She
finishes late. 5.They go early. 6.He catches fish. 7.You go home. 8.He
washes fish. 9.She watches television.
Layli 6. U bedel Ingirisi:
1.Waad dhammaysa goor-hore. 2.Waan taga goor-dambe. 3.Way mayrta bariis.
4.Waad bartan Ingirisi. 5.Waanu tagna goor-dambe. 6.Way tagta guriga.
7.Wuu bara Talyaaniga. 8.Wuu dhammaya goor-hore. 9.Way dawadan telefisyoon.
Layli 7. U bedel Somali:
1.She carries water. 2.You hurry. 3.He studies Italian. 4.She plays guitar.
5.You buy milk and cheese. 6.She cries often. 7.He hurries. 8.We study
English. 9.He buys tea and sugar. 10.They carry wood.
Layli 8. U bedel Ingirisi:
1.Waanu sidna bariis. 2.Wuu barta Ingirisi. 3.Way iibsadan dahab. 4.Way
iibsata bariis. 5.Wuu sida biyo. 6.Way deg-degta. 7.Waad barata Ingirisi.
8.Way guursadan. 9.Waanu ciyaarna gitar. 10.Waad baratan Talyaaniga.
) darsid, barasho
|