Ê
Home   |  Elections  |   International News   |  National News   |  Ohio News   |  Business News   |  Community Directory   |  Profile   |  Arts & Entertainment
Culture & Poetry   |  Kids Notes & Language   |  Sports  |  Editorial   |  Classifieds   |  Contact Us   |  Work For Us   |  Advertise With Us

  National


More International Articles

How Can We Stop the Violence?

Communities In Schools of Columbus

 

 

Ciyaarahii Xagaagan Kadhacay Minnasota


Sanadwalba bisha june 25 ilaa july 1 waxaa tartan ciyaar saaxiibtinimo isugu yimaada dhalinyarada soomaaliyeed ee ku nool wadanka maraykanka. Ciyaarahan oo loogu tala galay in lagu xuso 1 luulyo 1960 oo ahayd maalintii ay soomaaliya ay xornimada qaadatay. Gudiga ciyaaraha ee Minnesota ayaa waxa ay ku begaan ciyaarahaan uguna tala galaan in ay xasuusiyaan dhalinyarada maalintan weyn qiimaha ay u leedahay bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogtaba. Ciyaarahan oo isugu jira kubbada cagta iyo kolayga ayaa sanadwalba waxaa kuloolama dhalinyarada soomaaliyeed ee ku nool Ameerika. Koobka loo dhigay kubada cagta ayaa waxaa kasoo qayb galay 16 kooxood oo qaarkood ka kalasocda Gobolo ka tirsan Maraykanka. Gobolka Minnesota ayaa waxaa kasocotay 12 kooxood, halka kuwa kalena ay ka socdeen Ohio, Boston, California iyo Texas. Hadaba gobolka Ohio ayaa waxaa matalayay kooxda caanka ah ee Ohio United FC macalinkooduna yahay C/fitaax Farey.

Ciyaartii koowaad waxay la ciyaareen Elman Minnesota waxayna uga adkaadeen 4 iyo 0. Laacibka da’dayar ee kooxda Ohio United FC, Shabeelow ayaa garoonka wuxuu ka suubiyay mucjiso aan caadi ahayn, isagoo ku xaragoonayay markii uu banooniga jiidayo, halka daawada yaashu ay u sacaba tumayeen ciyaaryahankan da’da yar.

Ciyaartii 2 ayaa waxay Ohio United FC la ciyaartay kooxda weyn ee reer Minnesota ee la yiraahdo Tigers. Ciyaartan ayaa waxa ay ahayd ciyaartii ugu kululayd intii uu koobkan socday. Tigers ayaa ku hormartay goal ciyaarta galinkeedii hore waxayna ahayd rigoore waxaana u laaday Diini. Ciyaarta galinkeedii dambe ayaa Ohio United waxay lasoo baxday ciyaar layaab leh ayagoo sifiican iskula helayay banooniga, waxayna heleen rigooro waxaana u saxiixay laacibkooda weyn ee shabeelow. Ciyaartan ayaa waxay kusoo gabagabowday barbardhac 1:1.

Ciyaartii 3 Ohio United waxay u baxday Eden Prerie Minnasota waxayna uga badiyeen 2 iyo 0. Kooxda Ohio United waxay u soo gudbeen quarter final waxayna isku aadeen Banaadir oo kasocotay gobolka California. Ciyaartan ayaa waxa ay ahayd ciyaar ay labada kooxood sifiican u ciyaareen. Kooxda Banaadir ayaa goal dhalisay ciyaarta qaybteedii hore. Ohio United sifiican ayay u ciyaartay ilaa ciyaarta galinkeedii dambe iyagoo isku dayaya in ay bareejeeyaan, balse way u noqon weyday, waayo Banaadir difaac ayay gashay ilaa ay ciyaartu ka dhamaaneesay sidaas ayayna ku dhamaatay 1 iyo 0.

Mar aan waraystay macalinka kooxda Ohio United C/fitah Farey wuxuu yiri, “run ahaantii sifiican ayaan u ciyaarnay balse nasiibka ayaa nadiiday” ciyaartoyda kooxda ayaa wajigooda waxaa ka muuqday niyad jab iyaguna. “waxaan rabnay koobka in aan qaadano oo aan geysano Columbus, balse been been ayaan ku harnay” waxaa yiri sidaas Aasaaye oo ah difaaca kooxda Ohio United. Ugu dambeentii waxaa Final isugu soo baxay kooxda Tigers Minnasota iyo Banaadir California, waxayna ahayd ciyaar aad u xiiso leh. Ciyaartan ayaa waxaa la qabtay 1 july 2008, waxaana kasoo qayb galay dad tiradooda lagu qiyaasay 2000.Dadkaas badankood waxay wateen calanka soomaaliya qaarkoodna waxay xirnaayeen siiba dumarka goono iyo shaati buluug ah iyo xidig cad ay uga taalo dhaxda.

Gudoomiyaha koobka mudane biixi ayaa intii ay ciyaarta bilaaban kacodsaday dadweynaha in ay u istaagaan heesta calanka Soomaaliya isla markiina waxaa la shiday music. “soomaaliyay toosooy toosooy isku tiirsada eey, hadba kiina taag daranee taageera waligiinee” heestan ayaa dhamaan dadkii garoonka joogay oo dhan ay isla qaadeen, ayaga oo dhamaan kuwada qiiroonayo. Intaas kadib ciyaartii ayaa bilaabatay waxayna ahayd ciyaar xamaasad leh. Tigers ayaa 2 goal oo deg-deg ah ka dhalisay Banaadir markii ay dhamaan rabtay ciyaarta, sidaas ayayna koobka ku qaaday kooxda Tigers. Dhinaca kale koobka basketball ka ayaan dhamaanin kadib markii lagu dilay wiil soomaali ah garoonka, waxaana la istaajiyay koobkii oo dhan waayo waxaa laga cabsaday rabshada in ay sii faafto.

Source: Said Hade - Journalist and reporter

        International | National | Ohio | Business | Community | Profile_ | Arts and Entertainment | Culture and Poetry | Kids Notes and Language | Editorial_ | Classifieds_

        Home   Contact Us   Work For Us    Advertise With Us   Archives        © Copyright 2008 The Somali Link Newspaper          Webmaster: