Ê
![]() |
|
Ohio |
|
More Ohio Articles Communities In Schools of Columbus
|
Barnaamijka
Dhillinta ee Xilliga Xagaaga Sida aan wada ogsoonahay waxaa hubaal ah in Soomaalida degan magaaladan Columbus ka mid tahay mujtamacyada soo haajiray kuwa ugu tirada badan. Taasi waxay keenaysaa in tirada ardayda Soomaaliyeed ee dugsiyada dhigataa aad u kordhaan sannadkasta. Tiro badan oo kuwan kamid ahi waxay ku jiraan dugsiyada sare, kuwaasi oo ubaahan inay helaan barnamijyo wacyi gelin, tabar xirfadeed iyo abaabul cayaareed xilliga Xagaaga ee dugsiyadu xiranyahiin. Haddaba Ha’yadda HAND (Help African New Directions) waxay si waafi ah u buuxisay baahidaa, si loo jiheeyo dhalintan oo ah labeentii bulshada Soomaaliyeed ee berito. HAND waxay bilowday bixinta tababaro laxiriira Saxaafadda sannadkii aan soo dhaafnay ee 2007, waxay tababar soconayey muddo siddeed toddobaad ah u furtay 62 arday oo soomaliyeed, kuwaasoo markay waxbarshadooda dhamaysteen lagudoonsiiyey shahaadooyin ka turjumaya waxay barteen. Sidoo kale, sannadkan 2008 waxaa ka qaybqaadanaya barnaamijkan
arday tiradoodu gaarayso 100 oo Soomaali u badan. Runtii waxaan orankaraa
tababarka sannadkani aad buu uga mugwaynyahay kii ka horeeyey ee kal hore,
maxaa yeelay, waxaa tababarka xilligan qayb ka ah casharo ku saabsan barashada
xirfadaha: Waxaa iyana casharo aad uqiima badan oo ku wajahan fursadaha waxbarasho ee dhallinta u bannaan iyo siday uga faa’iidaysankaraan ka bixiyey khubaro kasocotay mac-hadka Columbus State Community College (CSCC). Khubaradii casharada bixinaysay waxay ku booriyeen ardayda inay dhamaystaan tacliintooda dugsiga sare, kadibna waxay hogo-tusaaleeyeen sida ugu sahlan ee ay ku helikaraan ogolaanshaha mac-hadyada iyo jaamacadaha Ohio, taasoo runtii aan ku tilmaami karo fursad dahabi ah. Dugsiyada sare ee Graham (Graham high schools) ayaa ayakuna usoo bandhigay habkooda tacliimeed iyo sida ardaydoodu hore ugu mareen. Graham high schools waxay sharaxeen sida manhajkoodu uga sareeyo kan dugsiyada sare ee dawladdu maamusho, waxay kaloo sheegeen inay ardaydu helikarayaan fursad lacag la’aan ah ooy kalaasyo badan kagaqaadankaraan Jaamacadda Dominican Ohio. Sidoo kalena in ardayda dhigata iskuulkaasi ay fursad u helayaan in ay horay u dhameeyaan waxbarashada dugsiga sare, heli doonaana laba sannadood oo waxbarasho bilaash ah oo laga siin doono Jaamicada Dominican Ohio iyaga oo wali dhiganaya dugsiga sare,. Muddadii ardaydu kuguda-jireen tababarka waxay booqasho shaqo oo tababarkooda laxariirta ku tegeen Jaamacadda OSU, CSCC, Dayton Press iyo garoonka Cooper Stadium ee Columbus. Waxaa kaloo HAND u diyaarisay qaybo dhallinta tababarku usocdo ka mid ah inay lashaqeeyaan bulshada rayidka ah (community services). Meelaha dhallintu sida mutadawacnimada ah uga shaqeeyeen waxaa ka mid ah Habitat humanity, East African Community Center, ARECS iyo Somali link News paper. Haddaba waxaa mudan in bulshada Soomaaliyeed ee kunool magaaladan Columbus iyo nawaaxigeeda u aqoonsato hay’adda HAND iyo joornaalka Somalilink udub dhexaadka waxqabadka dhallinta Soomaaliyeed oo runtii iyagu ah kuwa hadda ubaahan gacan-qabashada si looga badbaadiyo inayan ku dhexdhicin dhibaatooyinka aafeeyey dhallinyaro badan oo kunool magaaladan oo mararka qaar ay kujiri karaan kuwo Soomaaliyeed kuwaasoo noloshooda dhaxalsiiya mustaqbal madow. Maamulka HAND wuxuu si buuxda ugu mahadcelinayaa hay’ado, gobo ganacsi, ururada bulshada rayidka ah iyo shakhsiyaadkii gacanta ka gaystay fulitaanka barnaamijkan. HAND waxay si gaara u aqoonsantahay doorkii ay banaamijkan ku lahaayeen; Central Ohio Workforce Investment cooperation (COWIC), Suzanne Coleman-Tolbert President and CEO, COWIC/JOBLeaders; Gailmarie Harris, Director of Workforce Services (COWIC), Toski Flemister Program Manager and Diane Gaines Manager Youth Services. |
| Home Contact Us Work For Us Advertise With Us Archives © Copyright 2008 The Somali Link Newspaper Webmaster: |