Ê
Home   |   International News   |  National News   |  Ohio News   |  Business News   |  Community Directory   |  Profile   |  Arts & Entertainment
Culture & Poetry   |  Kids Notes & Language   |  Sports  |  Editorial   |  Classifieds   |  Contact Us   |  Work For Us   |  Advertise With Us

  Sports

Crew Put Wizards Under
Their Spell
By COREY WILSON
The Columbus Crew continued their winning ways with a 2-0 victory vs Kansas City . Being the top seed and the team to beat. The Crew lived up to their expectations and ended the Wizards season while riding the legs of Brad ”Boom Boom” Evans & Robbie ”The Rocket” Rogers. Evans and Rogers each scored a goal to help keep the 10 game home unbeaten streak alive. During the regular season Columbus dominated Kansas City as they won 3 games and tied the other 2 played.

Kansas City has not beaten the Crew all year and during the Conference Semifinals nothing changed at all. The Crew took the lead as Evans accepted a long pass from Brian Carroll. Evans then locked, loaded and fired a booming shot that nearly broke the Wizards goal keepers fingers. The Crew  took an early lead in the 7th minute on a laser shot by brad “Boom Boom” Evans.  The Wizards goal keeper Kevin Hartman did not have a chance as the Evans kick buzzed over his head into the net. Kansas City continued to play hard but was obviously outmatched. They were sharp and aggressive all night as the Wizards realized what was at stake. The Wizards had a chance to tie the match but Crew goal keeper William Hesmer made an amazing save stuffing Abe Thompsons monster kick. As time was winding down Robbie “The Rocket” Rogers added an insurance goal in the 58th minute to put KC out of their misery and the game out of reach.As the Crew continue to win, the obstacles will only become more difficult.

The Crew’s next challenge is the Chicago Fire which they have not defeated all year. The Crew have earned 2 draws and a loss at the hands of the Fire. Columbus must prove they can win the big game on their championship quest and bring the trophy home.

Columbus Crew oo hanatay
koobka MLS
Qoray SAID HADDE
Kooxda caanka ku ah kubadda cagta ee ka dhisan magaalada Columbus, ee la yiraahdo Columbus Crew FC ayaa waxay ku guuleysteen horyaalka kubada cagta ee Maraykanka, kaas oo loo yaqaan Major league soccer ( MLS). Columbus Crew ayaa sandadkan waxay muujisay lana soo baxday ciyaaro aan horay looga baran. Waxay ciyaartii kama dambaysta isugu yimaadeen kooxda New York Red Bulls, waxayna ku ciyaareen gobolka California. Columbus Crew ayaa 3-1 kaga badisay Red Bulls ayagoo qaatay koobkii ugu horeeyay tan iyo markii la aas aasay 1996.

Ciyaartan waxaa goolka ugu horeeyay dhaliyay Alejandro Moreno daqiiqadu markay ahayd 31 daqiiqo, asagoo waliba si xarago leh uga dhaliyay goolhayaha kooxda Red Bulls Danny Cepero. Kooxda Red Bulls ayaa waxay bareejeeyeen galinkii dambe ee ciyaarta waxaana u dhaliyay goolka bar bar dhaca John Wolyniec, laakiin isla markiiba ayadoon wax badan  kasoo wareegin ayaa kooxda Columbus Crew waxaa u suurto gashay inay dhaliyaan goolkii labaad kaas oo u saxiixay ciyaaryahanka  Chad Marshall.  Intaas ka dib ciyaartu way kululaatay, waxyna noqotay weerar iyo weerar celis, si kastaba ha ahaatee kooxda red bulls waxay quusatay markii Frankie Hejduk uu ka dhaliyay goolkii sadaxaad kadib markii uu ka helay baas quruxbadan laacibka weyn ee Columbus Crew Guillermo Schelotto. Goolkan ayaa wuxuu ahaa mid ay ku quusatay kooxda Red Bulls, halka Columbus crew na ay bilowday in ay u sii damaashaado oo u dabaaldagto guusha  ku xidhan ciyaarta gabagabadeeda.

Schelotto ayaa loo magacaabay ciyaaryahanka ugu ciyaarta wanaagsan ee sanadkan kadib markii uu soo muujiyay ciyaar wanaag intii uu tartanka  koobku socday. Schelotto waa 34 jir wuxuuna u dhashay Argentine wuxuuna kooxda kusoo biiray 1 sano kahor, asagoo u ciyaari jiray kooxda caanka ah ee reer Argentine Boca Juniors. Schelotto ayaa wuxuu u qaaday kooxda Columbus Crew koobkoodii ugu horeeyay tan iyo intii la aas aasay. Waa markii labaad ee macalinka kooxda Columbus Crew Sigi schmid uu qaado koobka MLS. Schmid wuxuu markii horay u qaaday kooxda L.A Galaxy 2002. Schmid ayaa wuxuu u dhashay Germany, wuxuuna tababare xaga kubada cagta ah ahaa mudo ku dhan 35 sano. Sidoo kale, waxaa la gudoonsiiyay macalinka ugu fiican ee sanadkan, kadib markii uu u qaaday kooxdiisa koobkoodii ugu horeeyay asaga oo lajooga 2 sano kaliya.

Taageera yaasha Columbus Crew ee magaalada Columbus ayaa si aad ah ugu farxay koobka ay kooxdooda qaaday. Dhawaanahan ayaa waxaa magaalada Columbus ku soo batay dad xiiseeya kubada cagta, arintaasna waxay caawisay kooxda Columbus Crew. Si kastaba ha ahaatee, waxaa soo dhaweyn aad u weyn loo sameeyey kooxda Columbus Crew. Sidoo kale  waxaa soo dhawayn loogu sameeyey garoonka ay kooxdani leedahay ee Crew stadium ee magaalada Columbus.

 

        International | National | Ohio | Business | Community | Profile_ | Arts and Entertainment | Culture and Poetry | Kids Notes and Language | Editorial_ | Classifieds_

        Home   Contact Us   Work For Us    Advertise With Us   Archives        © Copyright 2008 The Somali Link Newspaper          Webmaster: